Musharax C/kariin Guuleed “AlBaabka musharaxnimada Farmaajo shalay ayuu soo xirmay”

20 Feb 2021 (Puntlandes) Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta kana mid ahaa musharaxiintii shalay lagu rasaaseeyay iyagoo horkacaya dad banaanbaxayay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu yahay dambiile farahiisa dhiig ku dhex jiraan uuna musharax ka noqon karin doorashada dalka.

Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen musharaxiinta isbiirsaday ayaa waxaa uu Musharax Guuleed ka sheegay in uu Farmaajo ka baxay xayndaabka dowladnimada uuna yahay dambiile.

“Baabka musharaxnimadiisii Farmaajo shalay ayuu soo xirey maadaama uu noqday qof faldambiyeed ku dhex jira, qof fal dambiyeed galay ma jiro sabab uu madax ku noqdo amaba uu dadka ku sii maamulo.”ayuu yiri Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa ka hadlay rasaastii lagu ridey shalay dad banaanbaxayay oo ay horkacayeen qaar ka mid ah musharaxiinta.

“Durbaanka dagaal ee uu Farmaajo garaacay shalay iyo habeen hore haddii aan la garaaci laheyn dalka maanta dagaal sokeeye ayuu dalku aadi lahaa, laakiin garashadeena iyo masuuliyadeena ayaan oga leexanay isagana diidnay wadadaasi qaldan.”

Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in Madaxweynihii xilka ka dhamaaday uu go’aansaday in uu kursiga ku sii fadhiyo amaba dalka dagaal sokeeye uu geliyo.

Ugu dambeyntii Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inaysan indhaha ka fiirsan xaalada dalka Soomaaliya uu ku jiro waxana uu ku celiyay go’aanka Midowga Musharaxiinta ee ah in ay banaanbaxyada sii wadi doonaan.

About The Author