DFS oo qoraal kulul kasoo saartay dhaleecayntii dhacdadii 19 febraayo iyo arimo kale

20 Feb 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dawladda muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa qoraal kulul kasoo saartay dhaleecayntii ka timid beesha caalamka ee dhacdadii 19 febraayo iyo arimaha doorashada  aan heshiiska lagu ahayn.

Qoraalka mar looga jawaabayey djhaleecaynta ayaa lagu yiri “Waxaan, sidaa darteed, ka xunahay oo ka digeynaa qaar ka mid ah hadalada qaldan iyo marin habaabinta ee tixgelinaya xaqiiqooyinka mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoon, meelaha qaarkood, kuwaas oo caan ku ah falalkooda aan caadiga ahayn ee ka socda gobolka, iyagoo si been ah iskaga dhigaya kuwa wax hagaajinaya, mustaqbalka umadda, iyadoo khilaafsan xeerarka iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.”

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay hadalo badan oo xaqiiqda ka fog, waxaana ka mid in madaxweynayaashii hore lagu eedeeyey inay rabsho bilaabeen maaliintii madaxweynuhu shir isugu yeeray madaxda dawlad goboleedyada habeenkeedii, Banaanbaxa waxaa lagu baaqay wiik ka hor.


Puntlandes.com

About The Author