Sawirro: Madaxweyne qoorqoor oo gaaray magaalada Muqdisho

20 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho.

Qoorqoor ayaa waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda xil sii haynta.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xiriira shir uu madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ku casuumay dawlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir socona lahaa 18-19 bishaan oo la soo dhaafay, kaas oo looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa horay Muqdisho u gaaray madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle Laftagreen iyo Guudlaawe, waxaana wali gaarin Muqdisho madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Deni iyo Axmed Madoobe.


Puntlandes.com

About The Author