Akhriso War saxaafadeed kasoo baxay Jubaland oo sharuudo lagu xiray shir looga hadlayo arimaha doorasha

21 Feb 2021 (Puntlandes) War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda dawladda Jubaland ayaa looga hadlay arimaha doorasha ee cakiran iyo sida la isaga imaan karo oo xal looga gaari karo.

Jubaland ayaa soo jeedisay dhorw qodob oo ay u aragto xal, waxayna kala yihiin:

1- Dowladda Federaalka waqtigeedu dhamaaday inay garawshiyo iyo raalli gelin ka bixiso tallaabooyinka guracan iyo waxyeeladii ay u gaysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadda.

2- In la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb halaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

3- In goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.

4- In la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas

5- In Madaxweynaha Federaalka ee waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadeed ee dalka.

 


Puntlandes.com

About The Author