Sawirro: Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Muqdisho, Febaraayo 21, 2021: Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Farmaajo ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.


Puntlandes.com

About The Author