Farmaajo oo ugu baaqday Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan shirka uu iclaamiyey

22 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqday Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan shirka uu iclaamiyey ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah.

Puntland iyo Jubaland ayaa sharuud adag ku xiray inay ka qaybgalaan shirka uu iclaamiyey Farmaajo oo muddo xileedkiisii dhamaaday, aanna diyaar u ahayn doorasho heshiis lagu yahay oo dalka ka dhacda.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Madaxtooyadda

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Puntlandes.com

About The Author