Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay banaanbax kale oo ka dhacaya Muqdisho

22 Feb 2021 (Puntlandes) Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in banaanbax nabadeed ay ku qabanayaan taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga waxey sheegeen in banaanbaxaan looga gol leeyahay iney ku dalbanayaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah, waxaana xusid mudan in dowladda ay horay u hor istaagtay banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku sheegay ineysan wali ka tanaasulin midowgooda banaanbixii nabadeed oo ay horay ugu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yimaado taalada Daljirka Dahsoon ee dagmada Boondheere.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah kusoo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanbaxaas.

Mar kale ayuu Shariif ku celiyay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Jimcadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ka February ayey aheyd markii ay dowladda diiday in banaanbax nabadeed lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyay iney weerareen hotel ay daganaaayeen laba madaxweyne hore iyo gudoomiye Baarlamaan hore, sidoo kalana waxey rasaas ku kala eryeen shacab, musharaxiiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin banaanbax ku dhigayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Lama oga tallaabada ay dowladda qaadi doonto iyadoo walaaca laga qabo xaaladda dalka, gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Puntlandes.com

About The Author