Golaha Ammaanka oo ansixiyay in waqtiga loo kordhiyo Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya

26 Feb 2021 (Puntlandes) Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka Soomaaliya 2007.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, dhammaan xubnaha UN-ka waxaa ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku taageero ee ku sugan Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda ayaa lagu yiri Bayaan.

AMISOM waa hawlgal taageero oo nabadeed iyadoo ku dhowaad 20,000 oo ciidammo ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaa oo ka kala socda Kenya Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya iyagoo taageero siineysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxd Al-shabaab tan iyo Janaayo 19, 2007.

About The Author