Dowladda Puntland oo soo dhaweyey heshiishka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta

26 Feb 2021 (Puntlandes) War saxaafadeed Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inay Puntland soo dhaweynayso heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka

 

Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

DHAMMAAD

About The Author