Dowladda Jubaland oo soo dhaweyey heshiishka Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta

26 Feb 2021 (Puntlandes) War saxaafadeed Madaxtooyada Dowladda Jubaland ayaa lagu sheegay inay Jubaland soo dhaweynayso heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta.

Jubaland ayaa war saxaafaeedka kusoo qaadatay arimaha ay u aragto inay xal u yihiin muranka hareeyey qabsoomida doorasho la isla ogol yahay.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka

Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka.

Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.

Puntlandes

About The Author