Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Deni oo furay shirweynaha 4-aad ee ururka warbaahinta Puntland ee MAP

Garoowe: 27 February 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) .
Madaxweynaha ayaa hadal u jeediyay in ka badan 100 weriye oo ka kala yimi degmooyinka iyo Gobolada Puntland, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland.

“Maanta inaan halkan idiinku imaado waxay la midtahay anigoo Baarlamaanka tegay muhiimadda aad noo leedihiin, waxaan idiin rajeyn inaa si wanaagsan isu doorataan ” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Puntland Midnimadeeda ka shaaqeeya, Soomaaliya midnimadeeda ka shaqeeya, qodobada ugu muhimsana waxaa waaye deganaanshaha, Amniga inaa ka shaqeysaan , qodobka saddexaadna waxaa waaye Dadkan in loo diyaariyo dad dimuqraadi ah, oo is dooran kara oo la dooran karo oo masuul ah, oo mushtamac madani ah oo degan sida adduunyada kaleeto ah” Ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee ka qeybgala Shirweynaha Warbaahinta Puntland, taasi oo ay aad u bogaadiyeen weriyeyaasha Puntland ka howlgala.


Puntlandes.com

About The Author