Faah Faahin Qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay Muqdisho

28 Feb 2021 (Puntlandes) Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay agagaarka waddada Cabdi Qaasim ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay socdeen ciidan ka tirsan Mileteriga Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxaan ayaa ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay, waxaana la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay askar la socotay gaari Cabdi Bile ah oo qaraxa lala eegtay

Waddada Cabdi Qaasim ayaa noqotay waddo ay ku soo noq noqdeen qaraxyada miinooyinka ah ee la dhigo waddada dhinaceeda mana jirto tallaabo ay qaadeen laamaha amaanka ee dowladda federaalka ah.

About The Author