Sawirro-muuqaal: Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ka warxiyey waxqabadkiisii kana codsaday Ganacsatada inay ka waaciyaan Gaadiid

28 Feb 2021 (Puntlandes)  Maamulka D/hoose ee Degmada Gaalkacyo oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ayaa qado soo dhaweyn ah u sameeyey Ganacsatada Maalgashatay Dakada Garacad, Maamulka Shirkada Waddaagsan ee Dakada Gacanta ku haysa, Maareeyaha Dakada Garacad, Ganacsatada Gobalka Mudug, Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Soo dhaweyn iyo qado dabadeed, Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay Wax-qabadkii Maamulka cusub iyo Caqabadaha hor ka hortaagan in ay Magaalada Gaalkacyo la tartanto Magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay in ay ka qayb qaataan in Degmadu yeelato Gaadiid ay ugu adeegto Danta Guud waxna uga qabato Waddooyinka iyo maareynta Biyaha roobka oo fariista Maagaalada dhexdeeda go’doona galiya guud ahaan isku socodka Shacabka, Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada.
Sidoo kale, Gaadiidkaas waxa uu qayb mugle ka qaadan doonaa Maareynta Fayodhawrka iyo Furida waddooyinka xiran.

Ganacsatadii shirka ka qaybgashay ayaa aad usoo dhaweeyey Wax qabadka mudada bisha ah iyo qorshayaasha cusub oo ay ka muuqato hufnaan iyo hawlkarnimo.
Ganacsatadii ayaa Madasha ku yaboohday lacag dhan $ 26’000 USD, Inta dhimanna waxaa loo magacaabey Guddi isugu jira Ganacsato, Culumo iyo Maamulka Degmada.



Puntlandes.com

About The Author