Akhriso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo dhisaysaa Goleyaal deegaan, kana reebtay degmada Bursaalax

28 Feb 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxmaaan Dhabancad ayaa soo saartay qoraal ay ku shaacisay inay  dhawaan dhisayso Goleyaal deegaan, iyadoo ka reebtay degmada Bursaalax oo wqorshuhu ahaa in goleheeda Deegaanka la dhiso oktoober 2020kii.

Degmooyinka ay wasaaradu u dhisayso golayaasha deegaanka oo ah 5 degmo ayaa kala ah:

1- Godobjiraan ee gobolka Nugaal

2-Xingalool ee gobolka Haylaan

3-Jariiban ee gobolka Mudug

4-Towfiiq ee gobolka Mudug

5-Boocame ee gobolka Sool

Isimada iyo waxgaradka degmada ayaa wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed C/raxmaaan Dhabancad uu kula balamay bishii sept 2020 inuu ku soo noqonayo okt 2020 una dhisi doono degmada  gole Deegaan, taas oo aan wali dhicin.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiirka:

Puntlandes.com

About The Author