Dhagayso: Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

28 Feb 2021 (Puntlandes) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo labo 2 jeer Ra’iisul wasaare kasoo noqday Dalka Soomaaliya, haddana ah Senator ka tirsan Aqalka sare oo kahadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in xaaladaan oo kale uusan dalku soo marin wixii kadambeeyay markii Dowladnimada Soomaaliya lagu soo dhisay Carta.

Senator Cumar Cabdirashiid ayaa yiri “Haday tahay guusha la sheeganayay 4 sanno in Hanaankii doorasho ee aan keenay 2016-kii la dhaho, Ergadii 51 aheyd halagu daro 50 iyo 1 deegaan halagu daro 1 deegaan, waa nasiib darro muujinaysa dib u dhac weyn”.

Dhagayso waraysiga oo ay ka qaaday idaacadda VOA

Puntlandes.com

About The Author