Farmaajo oo sheegtay in Amniga Doorashada uu la wareegayo Rooble

10 April 2021 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada federalka oo loo direy Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejinayo Amniga doorashooyinka.

Wasaarada Arrimaha Dibadda oo qoraalkan ku sheegtay dhowr qodob ayaa qodobkiisa saddexaad waxaa uu qornaa sidan;

“Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.”

Midowga Musharixiinta ayaa waxa ay hore u sheegeen in amniga doorashada aan lagu aamini karin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ku eedeeyay in ciidamada uu siyaasad u adeegsaday, iyaga oo dalbaday in lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

About The Author