XOG: Dhismihii Bangiga ee ay dawladu xaraashtay oo qayb laga gaday ganacsato reer Galmudug ah

24 May 2021 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo shalay daabacday war ay kasoo xigatay ilo lagu kalsoon yahay, kaas oo ah in dawladda Puntland ay xaraash ku bilowday dhulkii danta guud ee magaalada Gaalkacyo, halkaan ka akhriso xogta, ayaa waxay ogaatay war saamayn ku yeelanaya kala qaybsanaanta magaalada ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Xog ay Warbaahinta Puntlandes ka heshay ilo ku dhow oo la socda arinta xaraashka hantida ummadda ayaa sheegaya in ganacsatadii xukuumadda Puntland ka xaraashtay dhismihii bangiga dawladda ay qayb ballaaran oo ka mid ah ka iibiyeen ganacsato ka soo jeeda dhanka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xogta ayaa sheegaysa in 16 Bakhaar laga gaday ganacsatada Galmudug oo ku gatay lacag aad u faro badan oo ujeedo laga lahaa, taas oo ka dhigmaysa in xadkii Galmudug loo soo wareejiyey caloosha hoose ee magaalada Gaalkacyo oo aysan u dhawayn xadka maamulka Galmudug.

 

Xaraashka hantida ummadda oo ka kooban dhismayaal aad muhiim ugu ah magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug iyo xerooyin ciidan ayaa waxaa xukuumadda Puntland fulinteeda u xilsaartay wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhamabcad, isagoo ilaa hadda xaraashay Dhismihii Bangiga kuwo kalena beecinaya.

Puntlandes.com

About The Author