Akhriso Gudiga Farsamada Dhisida Goloyaasha Deegaanka ee Wasarada Arrimaha Gudaha Galmudug oo ka hadlay dhismaha goleyaasha deegaanka

29 May 2021 (Puntlandes) Gudiga Farsamada Dhisida Goloyasha Deegaanka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Galmudug oo ka hadlay dhismaha goleyaasha deegaanka, yaa diiday inay joojiyaan muddo 90 cisho ah dhismaha goloyaasha deegaanka maamulkaas oo ay gacanta ku yaheen.

Guddiga ayaa dhawaan waxay  shaaciyeen liiska xubnaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee ka tirsan Gobolka Galgaduud, kaas oo keenay khilaaf beelaha qaarkood ah, halkaan ka akhrisi beelaha ay kasoo jeedaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa amarka ku bixiyay in la joojinayo dhaqdhaqaaqyada dhismaha goleyaasha deegaanka degmooyinka Galmudug ee maalmahaan ka socday degmooyinka Galmudug qaar kamid ah, gaar ahaan Degmada Balanbale.

About The Author