Sawiro: Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay aas-qaran oo loo sameeyey marwadii Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 9-4-2015 ka qeyb-galay aas-qaran oo qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland loogu sameeyey Alle ha unaxariiste marwadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

Aaska qaran ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Isimo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

” Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidookale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumada, waxaana uu alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_4108 IMG_4118 IMG_4120 IMG_4123 IMG_4126 IMG_4127 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4136 IMG_4139 IMG_4143 IMG_4146 IMG_4149 IMG_4150 IMG_4152 IMG_4155 IMG_4162 IMG_4163 IMG_4165 IMG_4172 IMG_4183

 

Puntlandes.com

About The Author