Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha DFS halka uu Gaas aamusnaan doorbiday

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa ka jawaabay hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh oo ku yiri waxaa maamul loo samaynayaa Gobolada ”Mudug” iyo Galgaduud isagoo ku tilmaamay hadalkaas ianay gaf weyn ku yahay jiritaanka Puntland iyo heshiiskii la kala saxiixday 14 actobar sanadkii 2014.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay booqasho ku tagay Dhuusomareeb ayaa sheegay dhismaha maamulka gobolada dhexe inuu yahay gobolada Mudug iyo Galgaduud, halka markii hore uu heshiisku ahaa koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

Wasiir Cali Xaaji wuxuu sheegay inaysan Puntland marnaba raali ka noqonayn  in lagu soo xadgudbo dhulkeeda, Wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu dib uga fiirsado hadalkaas.

Wasiir Cali Xaaji waxa uu wax aan la qaadan karin MEEL KA DHACNA Puntland ku ah ku tilmaamay in DFS ay dad uga yeeranayso Gobolka Mudug ee Puntland iyadoo dhahaysa shirka ayey u matalaan dadkani Gobolkaas.

Cali Xaaji ayaa reer Puntland ugu baaqay wadatashi iyo inay dib ugu noqdaan heshiiskii 14 okt 2014 oo aad mooda in madaxweyne Xasan laalay.

Waxaa iswaydiin leh MEE madaxweyne Gaas? Ma hurdaa iyadoo Gobolkii uu ka soo jeeday uu nin ficiis ah doonayo in uu Warqad ku bililiqaysto? Mise raali buu uga ka yahay?

Puntlandes.com

About The Author