Akhriso madaxweynaha Puntland oo ku amray hay`adaha dowladda hirgelinta adeegsiga Af Soomaaliga

22 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.


Puntlandes.com

About The Author