Daawo Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo dib ugu celiyey Xukuumada Hindise Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland

17 July 2021 (Puntlandes) Fadhiga 15aad ee Kalfadhiga 48aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu gudoomiyeynayey guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa waxay cod u qaadeen Hindise Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland oo ay xukuumadda Puntland usoo gudbisay.

Fadhiga ayaa waxaa fadhiday oo soo xaadirtay 40 Mudane waxaana Golahu warbixin la xiriirta hindise xeereedka Dhowrista Goobaha Taariikhiga ah ka hor jeediyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo gacan ku hayey Hindise xeereedkan, iyagoo kulamo wada tashi ah kala yeeshay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Dawladda Puntland, waxayna Golaha u soo jeediyeen in dib loo celiyo Hindise xeereedkan maadaama uu ka hor imanayo Xeer Lr.3 ee ku saabsan Akademiyada Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanka, soona baxay 15/01/2007.

Ugu dambeyntii, Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray soo jeedinta Guddiga.



Puntlandes.com

About The Author