Sawirro: Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey mushariinta shir gudoonka oo ka kooban Kulmiye iyo UCID, sabab!

17 July 2021 (Puntlandes) Xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya ayaa xaflad uu maanta qabtay ku shaaciyey mushariinta inay heshiis galeen 11 xildhiban oo UCID ah soona gudbiyey shir gudoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban Kulmiye iyo UCID.

Xisbiyada Kulmiye ayaa sadex xildhibaan u xulay shir gudoonka golaha wakiilada, kuwaas oo kala ah:

  1. Gudoomiye: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)-Kulmiye
  2. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad: Siciid Mire Faarax (Giirre)-UCID
  3. Gudoomiye ku xigeenka labaad: Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)-UCID

 

Dhanka kale Xisbiga UCID ayaa beeniyay qoraalka Kulmiye ku sheegeen in 11 Xildhibaan oo UCID ah la midoobeen Kulmiye, iyagoo sheegay in Xildhibaanada halkaa tegay yihiin oo keliya 9 Xubnood.

Sidoo kale Xisbiga UCID ayaa shaaciyey in xilkii iyo xubin nimadii ka qaadeen Xildhibaan Cabdinasir Qodax.


Puntlandes.com

About The Author