Sawirro-Muuqaal: Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta Puntland oo ka qaybgalay kulan uu soo qaban qaabiyey xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Dowladda Puntland

18 July 2021 (Puntlandes) Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay kulan uu soo qaban qaabiyey xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Dowladda Puntland kaasoo lagu dhiirigelinayey mas’uuliyiin katirsan labada Wasaaradood.

Labada Wasaaradood ayaa si wadajir ah ugu mashquulsanaa dardar gelinta dakhliga cashuuraha mushaarka shaqaalaha ka hawl gala hay’adaha Qaramada Midoobay ee haysta heshiiska qandaraaska ku meel gaarka ah (Service employment Contract).

Waxaa shahaado sharaf ay mutaysteen karti, hufnaan iyo waxqabad dhab ah oo ay ka sameeyeen soo xaraynta cashuurtaas oo muddo si dhab ah u soo xaroon lagu guddoonsiiyey mas’uuliyiin ka socdey labada wasaaradood.

Maxamed Xareed Faarax, xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Dowladda Puntland ayaa xusay in lasoo maray marxalado kala duwan, maantana la joogo waqtigii la joogtayn lahaa cashuurtaas sida wanagsan u hirgashay.

Dhankiisa, ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay marlaxadaha ay soo martay shaqadaan asagoo u maahd celiyay cid kasta oo kasoo qayb qaadatay joogtaynta iyo xoojinta dakhiga Dowladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa uga mahad celiyay guddigii sida hagar la’aanta ahayd uga shaqeeyay soo xaraynta dakhliga mushaarka shaqaalaha ka hawl gala hay’adaha caalamiga ah, wuxuu xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudan tahay amaan iyo duco sida ay uga soo baxeen shaqooyinkii loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa uga mahadceliyay guddigii labada wasaaradood shaqooyinkii quruxda badnaa ay soi qabteen.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ku amaanay guddigii sida wanaagsanayd oo ay hawshaan uga soo baxeen asagoo ku dhiiri galiyay in ay sii laba jibbaraan dardar galinta Dakhliga.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta Dakhliga sida ay uga soo dhalaaleen dardar galinta dakhliga iyo xaqiijinta soo xareynta dakhli la isku hallayn karo, wuxuu ku dhiiri galiyay in ay sii xoojiyaan dakhli uruurinta.



Puntlandes.com

About The Author