Duqeyn loo geystey deegaan ka tirsan koonfurta gobolka Mudug

23 July 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in gantaalo lagu duqeeyay degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri Dheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Duqeynta kadib ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen deegaanka Hareeri Dheere ciidamada dowlada federalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa howlgalo ka waday deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ciidamo is garabsanaya iyadoo shalay uu gaaray deegaanadaas Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

 

About The Author