Daawo Muuqaal: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

23 July 2021 (Puntlandes) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Garbahaarey.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in talaabada looga soo celiyey garoonka Aadan cadde ay kula kaceen ciidamada Nabad sugida Qaranka, ayna amar ku siiyeen inuu dib u laabto.

“Saakay waxaan aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay, ninka amarkaas soo bixiyay waa C/llaahi Kulane, waxaan ku qanci karnaa Ra’iisul Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado”

Waxaa uu intaas ku daray in marar badan sidan oo kale laga soo celiyey garoonka Aadan cadde xili uu ku sii jeeday gobolka Gedo oo ay ku nool yihiin qoyskiisa iyo caruurtiisa.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu amar ku bixiyay inaan cidna laga celin karin garoonka Aadan cadde, uuna la xisaabtami doono saraakiisha NISA iyo cid kasta oo arrintaas ku kacda.

Puntlandes.com

About The Author