Daawo Muuqaal: RW Rooble oo xilkii ka qaaday Agaasime Kullane iyo taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde

23 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka jawaabaya tallaabadii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo iyo wafdi la socday looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa arbacadii ay bishaani ahayd 21ka amar ku bixiyey in aan muwaadin soomaaliyeed loo diidi karin inuu u dhoofo Garbahaarey iyo  meel kale cidii amarkaas jabisana uu talaabo ka qaadayo, halkaan ka daawo.

Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane ayaa ahaa gacanta midig ee madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuuna si gooni ah ugu xilsaarnaa gobolka Gedo.


Puntlandes.com

About The Author