Baarlamaanka Puntland oo Golaha xukuumadda Puntland u gudbiyey qaraar Baarlamaani ah oo ku aaddan talo- soojeedinta guud ee kalfadhiga 48-aad

24 July 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdiirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 17aad ee Kalfadhiga 48aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo ay ku meelmariyeen qaraar.


Fadhiga maanta ayaa warbixin Goluhu kaga dhegaystay guddiga gaar ah oo uu 22.07.2021 guddoomiyuhu u magacaabay soo ururinta talo-soojeedinihii guddiyada Golaha ee kalfadhiga 48-aad.

Ugu dambayntii, Golaha Wakiilladu isagoo ka duulaya Qodobka 64-aad (6) ee Dastuurka oo sheegaya “ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo-ku-biirinta siyaasadda iyo barnaamijka wax-qabadka xukuumadda” wuxuu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey qaraar Baarlamaani ah oo ku aaddan talo- soojeedinta guud ee kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada, si loogu gudbiyo Golaha xukuumadda.

Puntlandes.com

About The Author