Ilhan Cumar oo faafaahin ka dalbatay madaxweyne Biden duqaymaha Soomaaliya

24 July 2021 (Puntlandes) Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington. Waxayna arrintaani timid iyadoo la sheegayo qorshayaasha Aqalka Cad, oo uu soo bandhigay la-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan bishii Janaayo, si loo xaddido howlaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inta maamulku uu dib u eegis ku sameynayo siyaasaddiisa ladagaalanka argagixisada.

Hoos ka akhriso qoraalka Ilhan Cumar

About The Author