Midowga Musharaxiinta oo taageeray xil ka qaaday uu Rooble ku sameeyey saraakiil ka tirsan NISA

24 July 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay saraakiishaas ka tirsanaa NISA ay si sharcidarro ah u horistaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble uga hortagayo xayiraadaha sharcidarrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.

Hoos ka akhriso qoraalka Midowga Musharaxiinta

Puntlandes.com

 

About The Author