Wasiir Fiqi oo u jawaabay Ilhan “waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan”

24 July 2021 (Puntlandes) Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu jawaabay Ihaan Cumar oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) oo maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay haboontahay in xildhibaan Ilhan ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye.

“Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Alshabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!” Ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhan Cumar ka dalbaday inay dagaalka ka dhanka ah Alshabab kula soo biirto wuxuuna yiri ” Dumaashi dagaalka nala soo gal”.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiir Fiqi

Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno.

Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!
Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay.

Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.!

Dumaashi dagaalka nala soo gal!

About The Author