MAQAAL: Galkacyo oo Gacmaha Isqabsatay.

Galkacyo oo xorriyadda ka hor loogu yeeri jiray Rocca Littorio, waxay dhacdaa bartamaha Somalia. Waa magaalo madaxda gobolka Mudug. Waa magaalo ay ku wada dhaqanyihiin inta badan qabaa’ilada kala duwan ee Somaalia.


Galkacyo oo ay ka wada arrimiyaan labada maamul ee Puntlandiyo Galmudug waxay ku tallaabsatay horumar aan marna la qiyaasi karin. Waxaa si weyn u xoogaystay dhaqdhaaaqa nabadda iyo ganacsiga magaalada ka socda, waxayna go’aansatay in ay iska xirto bogga colaadda oo ay furto bogga xadaaradda iyo horumarka.

Nabadgelyada magaalada Galkacyo sanadihii ugu danbeeyey aad ayey usii xoogaysanaysay. Waxaa isku furmay dhinacyadii kala xirnaa ee magaalada, iyadoo meesha ay ka baxday isbaaradii qalbigu. (invisible borderline). Hadii aad joogtid waqooyiga magaalada, waxaad si sahlan ugu tallaabi kartaa dhanka koonfureed adiga oo aan wax ilaalo ah u baahan, gaariga bedelan isla markaasna u baahan in cid dhanka kale ah aad safarkaaga la socodsiiso. Dhanka kale sidoo kale ayuu yeeli karaa. Waxaa fududaaday ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada. Waxaa isku goosha gaadiidka iyo badeecadaha labada dhan ka kala yimaada. Waxaa wada ciyaara kooxa isboortiga waxaana isku milmay bulshada labada gees ee gobolka.

Waxaa wada shaqayn xooggan dhexmartay maamulka labada gees ee magaalada iyagoo si dhow u wada shaqeeya iskana kaashaday la dagaalanka argagixisada, cirib tirka mukhaadaraadka iyo ka hortagga iyo waxka qabashada danbiyada magaalooyinka ka dhaca (urban crimes).

Magaalada Galkacyo waxay u fiday si weyn oo aan looga sheekayn karin qofkii aan arag, ama muddo ugu danbaysay. Waxay qaadatay kaalinta magaalada saddexaad ee Somalia (Marka laga reebo Mogadishu iyo Hargeisa). Waxaa magaalada ku soo kordhay jidad waaweyn oo ka dhashay ka fa’iidaysiga barnaamijka loo yaqaan UN Joint Programme on Local Governance (JPLG) iyo kuwo gaar ah oo ay dhisteen bulshada gobolku.

Waxaa magaalada ku soo kordhay dhismayaal casri ah, hotello waa weyn, guryaha martida, goobo ganacsi, sida suuqyada waaweyn (super markets), goobaha isugu jira shidaalka iyo adeegyada kale (gas stations) goobaha baaburta lagu dhaqao (car wash services) iyo meelo lagu casariyeeyo iyo kuwo loo caws tago.

Waxaa magaalada afaafkeeda ka samaysmay beero waaweyn oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee qudaarta iyo geed miroodku sidoo kalana lagu xareeyo xoolaha nool sida geela, ariga lo’da iyo digaagga. Waxaa ka samaysmay xarumo ganacsi oo loo aado martiqaadyada gaarka ah iyo munaasibadaha goonida ah.

Mustaqbalka dhow waxaa magaalada Galkacyo iyo gobolka Mudug ku soo kordhi doonaa dekeddii ugu weynayd ee ay abid maalgashadaan ganacsato Soomaaliyeed kowoodii ugu horreeyey ee badda dhagax ku tuura. Waxaa dayactir dhawaan laga bilaabay garoonka diyaaradaha magaalada oo mar ahaan jiray ubucda duulimaadyada Puntland.

Waxaa iminka gacanta laga qaaday garoonkii kubadda cagta ee Cawaale kaas oo si weyn u dabooli doonaa baahida isboortiga ee dhalintu qabaan. Dhismaha Cawaale waxaa u hawlgalay bulshada Galkacyo oo isku duuban kuwaas oo taageero dhaqaale ka helay haba yaraatee dowladda Puntland iyo tan federalkaba.

Marka laga yimaado dhanka horumarka magaalada Galkacyo waxaa haysta caqabado waaweyn oo ay ugu horreeyaan jidka isku xira Galkacyo iyo Puntland inteeda kale oo guud ahaanba laga guuray jidkii laamiga ahaa burbur dartiis loona wareegay jidcade laamiga ka hareer mara.

Dhanka kale waxaa weli qabyo ah isbitaalkii guud ee gobolka oo ku burburay qaraxyadii mataanaha ahaa ee argagixisadu la beegsadeen xarunta dowladda hoose oo isbitaalka u dhaweyd.
Galkacyo waxay joogtaa waqtigii ugu fiicnaa marka dhinacyo badan laga eego, waxayna u soctaa jihadi saxda ahayd waase intaas oo loogala sii dhawaado.

Galkacyo (Dhanka waqooyi) waxay u baahan tahay in loo dhiso golihii deegaanka si looga fa’iidaysto mashaariicda horumarineed ee ku xiran dhismaha golaha, in la xoojiyio nabadda iyo isdhexgalka bulshada labadeeda dhinac iyo in ay u weel qaado sidii ay isugu diyaarin lahayd caasimadda Somalia mustaqbalka dhow, maadaama ay tahay magaalo ay ku wada nool yihiin badi dadka Soomaaliyeed.

WQ AGAASIMAHA PUNTLAND CURRENT TREND MR MOHAMED BALDHO

About The Author