Sawirro: Wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha Warbaahinta Dowladda oo Xaflad Mahad celina u qabtay Wariye Timirre Anchor

28 July 2021 (Puntlandes) Magaalada Garowe ayaa waxaa xaflad dhiirigalin ah laguna maamusayey agaasimaha wakaaladda wacyigalinta iyo la dagaalanka Argagaxisda Puntland ee AF MEER Maxamed Cabdi Wali Noor(Timirre).

Munaasibadda waxaa soo agaasimey wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Maamulka iyo Shaqaalaha Puntland TV oo ay shaqo wadaag yihiin Wakaaladda AF MEER.

Waxaana munaasabadda kasoo qeyb galey Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland,Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug,Saraakiil iyo marti kala duwan oo u badan dhalinyarada caasimadda Puntland.

Munaasibadda ayaa hor dhac u ah kulamo iyo Martiqaadyo lagu maamusayo Saraakiisha iyo Maamulka gobolka Mudug iyo Madaxda AF MEER oo howlgalo la xiriirta soo afmeerida Argagaxisada ka wada gobolka Mudug gaar’ahaan magaalada Galkacyo.


Puntlandes.com

About The Author