Ilyaas Beddel Gaboose oo ku guuleystey kursigii ugu horeeyay ee doorashada Aqalka Sare

29 July 2021 (Puntlandes) Ilyaas Bedel Gaboose ayaa noqday Senatarkii ugu horeeyay ee ku guuleysta tartanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Senatar Ilyaas Beddel ayaa helay codad gaaraya 55 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu ka helay 11 cod, waxaana codooyey 73 xildhibaan.

Kursiga uu ku guuleysey Ilyaas Beddel ayaa ah mid uu hore ugu fadhiyay Axmed Xaashi Maxamuud afartii sano ee la soo dhaafay, kadib markii uu ku soo bixi waayay liiska musharaxiinta u tartamaysay kursiga UH0033.

About The Author