Fartaag oo ku guuleystey kursigii 2aad ee doorashada Aqalka Sare

29 July 2021 (Puntlandes) Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa noqday Senatarkii 2aad ee ku guuleysta tartanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismayo.

Senatar Fartaag ayaa cod gacan taag ah ku noqday Sanatarka labaad ee kasoo baxay Jubaland.
71 Xildhibaan ayaa u codeeyey halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan, musharaxii la tartamayay Axmed Maxamed Jaamac u tanaasulay.

Kursiga uu ku guuleysey Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ah mid uu hore ugu fadhiyay isagu afartii sano ee la soo dhaafay.

About The Author