Sawirro: Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka furmay Teendhada Afisyooni?

21 Aug 2021 (Puntlandes) Waxaa goor dhow ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diiradda lagu saarayo arimaha doorashada iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble waxaana ka qaybgalaya dhamaan madaxeynayaasha dawlad goboleedyada dalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaana looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.


Puntlandes.com

About The Author