Sawirro-Muuqaal: Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska ciidamada AMISOM

22 Aug 2021 (Puntlandes) Guddigii Wasiirada ee uu Ra’isul wasaarahha XFS u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan Amisom ay ku dileen 7 ruux oo shacan deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Yugaandha uqaabilsan Soomaaliyan iyo saraakiisha ciidamada Amisom.

Guddigaan oo ay hogaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga xukumadda federaalka Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada Amison iyo safiirka si loo guda galo barista dil wadareedka ciidamo ka tirsan ay ugeysteen dad shacab ah.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya jooxtada xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogosto ee bishaan deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi

Wasiirka Cadaalada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyay qodobadii maanta ay kala hadleen …

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo arrinkaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu shalay kulan ku saabsanaa falkaasi xafiiska kula yeeshay Safiirka dowladda Yugaandha ufadhiya waxaana intaasi kadib Ra’isul wasaare Rooble umagacaabay guddiga wasiiro ah oo ariinkaan si dhab ah ubaara si ehelada Marxuumiinta ay cadaalad uhelaan.



Puntlandes.com

About The Author