Akhriso war-murtiyeedka shirka wadatashiga Qaran ee doorashadda Soomaaliya (Muuqaal)

22 Aug 2021 (Puntlandes) Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa laga soo saaray war murtiyeed kadib muddo labo maalmood ah oo uu shir uga socday Teendhada afisyooni rr magaalada Muqdisho madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Qodobada la isku raacay ee laga soo saaray kulankan ayaa waxaa ka mid ah in Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland ay si wadajir u soo xulayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Habraacyada ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kala ah:

Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
– Habraaca Amniga Doorashada
– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
– Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran


Akhriso war-murtiyeedkii kasoo shirka wadatashiga Qaran ee doorashadda soomaaliya


Puntlandes.com

About The Author