Daawo Muuqaal: Ciidamo kasoo horjeeda Hirshabeelle oo la wareegay Beledweyne

22 Aug 2021 (Puntlandes) Ciidamo la magac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa caawa la wareegay magaalada Beledweyne gaar ahaan  xarunta gobolka Hiiraan iyo xerada ciidama lamagalaay.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Hirshabeelle.

Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in madaxweyne Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne.

“Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan gobolkaan, dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada ka jirta Beledweyne ay soo fara geliso, meel kasta waan la wareegnay, hadda waxaan ku suganahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, dhibaatadii jirtana caawa ayey soo dhamaatay,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Barre oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la wareegay Beledweyne.

Sidoo kale Korneyl Nuur Dheere ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibtaada ka jirta gobolka, isla markaana talada gobolka ay la wareegi doonaan hadda kadib.

“HirShabeelle wax la yiraahdo kama sii jiri doono gobolkaan Hiiraan, qeylada reer Hiiraan waana dhibtay, hadda ka dibna halkaan kama tali doonto HirShabeelle, talada gobolkaan anagaa la wareegnay,” ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere oo ka tirsan saraakiisha daraawiishta Hirshabeelle.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne.


Puntlandes.com

About The Author