Doorashooyinka dalka: Wax-is-weydiin ma xumee,wax-is-weydaaris baa daran WQ Afhayeenka Xukuumadda

Doorasho in la hirgaliyo caadiyan xitaa dunida horumartay waa howl aan fududeyn oo waxa had iyo jeer dhex maquurta tabasho iyo cabashooyin maadaama uu yahay loollan u dhaxeeya dhinacyo kala duwan oo kuwada baratamaya hal kursi ,qolo sii joogtay iyo qolooyin doonaya in midkood uu kusrigaa salka la helo.

Soomaaliya doorashadadeedau waa mid ka duwan dhamaan doorashooyinka adduunka , waa mid dadban oo aan toos aheyn ,kuna saleysan hannaan beeleed 4.5 . Dowlad Federaal iyo Dowlad Goboleedyo qaar is diiddan , Dowlad Goboleedyo qaarkood qabaailka deggan xitaa dhexdooda uu firqi uu dhaxeeyo oo aan isku calool fayoobeen IWM.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu xoogga saarayaa in doorasho daahfuran uu dalka ka hirgaliyo , isaga oo sidaa aadka ah u dadaalaya, shaqsiyanna ah nin deggan oo ahlu-diin ah ayaa haddana tallaab kasta oo horey loo qaado waxa dhici karta dad tuhumo qaadaya ,qaar cabanaya taas oo mararka qaar dhinac kaliya maahee dhinacyo kala duwan uga imaneysa . Hadane tabashooyinka soo baxa sidaa ugama haro ee wuu sii dabagalaa si uu qanciyo cidda tabashada qabta maadaama uu ejeedkiisu yahay in horey loo socdo oo doorashada la aado.

Rooble inuu raali galin rasmi ah bixiyo kama maago ,ceebna uma arko hadii si qalad ah wax uga dhacaan oo uu saxo ,saa waa baniiaadam horeyna waa u sameeyay.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “Tol wada quman ninki doonaa tol la’aan buu dhaxlaa” sunnida ka mid aha in cid walba ay raali noqoto oo wada qunnaato ,hase yeeshee RW Rooble waxa ka go’an in doorashadan ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo isku dheeli-tiran.
Dadkeenuna waa in ay fahmaan daruufaha adag ee ku hareereysan doorashooyinka xilligan oo tallab kasta oo la qaado ay cidi damqeyso.

Inshallah hadii culeysyo jiraan fudeyd baa ka dambeyn doono ,Ra’iiusl Wasaaraha haloo duceeyo in tubta toosan Eebe uu ku duwo .

WQ Afhayeenka Xukuumadda : Mohamed Ibrahim Moalimuu

About The Author