Alshabaab oo dagaal la’aan kula wareegay Camaara iyo Bacaad-Weyne

26 Aug 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya koonfuryta gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay si fudud ku qabsadeen deegaanada Camaara iyo Bacaad-Weyne kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Alshabaab ay gudaha deegaanadan la soo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee la xiriira sababta ay dib ugaga baxeen deegaanadaas.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa Alshabaab ay saacado kooban waxay haysteen deegaanka Camaara halkaas oo ay gaadiid ciidan kula wareegeen kahor inta aysan dib uga bixin.

Deegaano badan oo ka tirsan Koofurta Mudug ayaa muddo bil ah waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo ururka Alshabaab waxaana dagaaladaas ku dhintey ciidamado badan oo ka mid ah kuwii dagaalada ku jirey halka sidoo kale dad rayid ah ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen.

About The Author