Sawirro: Isimada gobalka Mudug oo booqasho ku tagay garoonka Cawaale ee Gaalkacyo

26 Aug 2021 (Puntlandes) Isimada gobalka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ay ka mid yihiin Amiir Maxamuud, Iimaan C/wahaab iyo Fiqi C/naasir ayaa booqasho ku tagay garoonka Kubadda cagta ee Cawaale ee maagaalada Gaalkacyo.

 

Isimada ayaa waxaa booqashada ku wehlinayey Sanator Maxamed cali Yuusuf Gaagaab , maamulka Degmada Gaalkacyo, kan Gobalka Mudug  iyo masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin.

Isimada ayaa waxa Garoonka kusoo dhaweeyey gudoomiya Guddiga dhisayey Garoonka Marwo Caasho Geelle iyo qaar ka mida Guddiga Garoonka gacanta ku haya, waxayna uga warbixiyeen marxaladihi uu Garoonka dhismihiisu soo maray.

 

Ugu dambaynti Isimada ayaa Guddiga garoonka uga mahadceliyey shaqada quruxda badan ee ay qabteen, iyagoona xusay in Bulashada Gaalkacyo iyo kuwa Puntland ba ay u yihiin tusaale in ay wax qabsan karaan.

 

Garoonka kubada cagta cawaale ayaa dhismihiisu dhammad yahay waxana la rajaynaya in dhawaan xariga lagajaro.



Puntlandes.com

About The Author