Sawirro-Muuqaal: Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo heshiis Amni, Ganacsi iyo isusocod kala saxiixday

28 Aug 2021 (Puntlandes) Wufuud ka kala socday Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan waxa ka qayb galay madax la socotay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga, maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur, Galaadi, Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka Doollo.

Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo.

Shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah.
Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI.

Labada dawladood ayaa ku heshiiyey in la asteeyo goobo sharci ah oo ay ku kala gooshaan badeecadaha iyo isusocodka labada dhan, kuwaas oo ah 5 goobood oo 4 ka mid ah ay ku taalo gobolka Mudug halka midka kale uu ku yaalo gobolka Cayn, waxayna kala yihiin:

  1. Tuurdibi
  2. Daarusalaam
  3. Duddun
  4. Galdogob
  5. Buuhoodle

Heshiiskaan ayaa wax wayn ka badelaya ganacsiga iyo isusocodka dadka ee labada dhinac isagoo kor u qaadaya dhaqaalaha labada dhan, wuxuuna xoojinayaa wadashaqaynta amniga iyo la dirirka mukhaadaraadka.

Hoos ka daawo ama ka akhriso warmutiyeedka ay soo saareen labada dhan:


About The Author