Somaliland oo aqbashay inay si ku meel gaar ah usoo dhaweyso qaxoontiga reer Afghanistan

28 Aug 2021 (Puntlandes) Somaliland ayaa aqbashay in ay si ku meel gaar ah usoo dhaweyso qaxoontiga ka cararaya dalka Afghanistan.


Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland oo magiciisa aa lasoo xigan, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xukuumadda Somaliland ay wada hadalo kula jirto Dowlada Maraykanka sidii qayb kamid ah qaxoontiga reer Afghanistan si ku meel gaadh ah loo dajin lahaa Somaliland.

“Waanu aqbalay in aanu qaxoontiga reer Afghanistan u marti galino si ku meel gaadh ah” ayuu yiri, wuxuu sidoo kale sheegay in wali heshiisku aanu dhamaystirnayn, isla markaana loo baahan yahay in la dhamaystiro adeegyada asaasiga ah, wuxu intaas ku daray Sarkaalku in anay wali ka heshiin wakhtiga uu qaxoontigu imaanayo Somaliland iyo goobta loo qorsheeyay in la dejiyo.

Dowlada Maraykanka ayaa raadinaysa goobo ay si kumeel gaadh ah u dajiso, qaxoontiga reer Afghanistan ee ka cararaya xukunka Daaliban, kuwaasi oo Dowlada Maraykanku kasoo daad guraynayso madaarka Kabul. Waxaa kale oo Maraykanku wadaa hadalo kula jiraa dalka Uganda oo uu doonayo in uu dajiyo qaxoontiga

About The Author