Xarunta PDRC oo warsaxaafeed ka soo saartay dib u dhac ku yimaada Dimuqraadiyaynta Puntland

Taariikhda: 30 August 2021 Xarunta PDRC oo muddo dheer ka soo shaqaynaysay, saldhigna u ahayd arrimaha Dawlad-dhiska, nabadaynta iyo Dimoqraadiyeynta waxa ay si aad ah uga xun tahay baaqii ay soo saareen Ururrada Siyaasadda Puntland badankoodu 29.8.2021 ee ahaa in la hakiyo oo dib loo dhigo doorashooyinka 3-da Degmo ee Hordhaca ah ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho ee ku muddaysan 25.10.2021.


PDRC waxay u aragtaa in tallaabadaasi dhaawici karto kalsoonidii iyo himiladii dadka reer Puntland ku taamayeen 23-kii sano ee la soo dhaafay iyo taageeradii Beesha Caalamka ee hannaanka Dimoqraadiyeynta labadaba. Sidaa daraadeed, PDRC waxay ugu baaqaysaa ururrada siyaasadda Puntland inay tixgeliyaan rabitaanka iyo himilada shacabka oo ka qayb qaataan doorashooyinka hordhaca ah ee 3-da Degmo ee 25 Oktoobar dhacaya.

Wixii cabasho, gaabis iyo is-dhaliil ah waa in lagu dhex saxaa hannaanka doorashadu inta uu socdo. Waxaan kaloo ugu baaqaynnaa Dawladda Puntland inay hormuud ka noqoto hirgelinta hannaanka dimoqraadiyeynta, kana dhabayso ballan-qaadkeedii tognaa iyo dhamaystirka shaqada fiican ee socota.

PDRC waxay bogaadinaysaa shaqada wacan ee uu ilaa hadda qabtay Guddiga Ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland [TPEC].
PDRC Waxay kale oo ay bogaadinaysaa taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamku mar walba la garab joogto hannaankan, waxaanna ugu baaqaynaa inay taageeradaas sii wadaan inta geeddi-socodka Dimoqraadiyeyntu socdo. Xarunta PDRC mar walba waxay diyaar u tahay inay cod iyo u-qareemis u samayso hannaanka Dawlad-dhiska, Naabadaynta iyo Dimoqraadiyeynta Puntland.

Mahad Dhammaanteed Allaah SWT ayey u sugnaatay!
Press Release Date: August 30, 2021
As a long time contributor and a cornerstone for peace, state-building, and democratization, PDRC is deeply depressed by the declaration made by most of Puntland’s political associations on August 28 to postpone the early local elections which were scheduled to take place in the three districts of Eyl, Ufeyn and Qardho on October 25, 2021.
PDRC believes that this move could undermine the trust and hope which the people of Puntland have been hosting over the past 23 years, as well as the support of the international community for the democratization process. Therefore, PDRC calls on the political associations in Puntland to take into account the will and aspirations of the people and participate in the early elections scheduled for October 25 in the three districts.
Complaints, weaknesses and criticisms can be addressed and well-managed during the election process. We also call on the Puntland Government to take the lead in the implementation of the democratization process, fulfill its commitment and complete the ongoing work.
PDRC commends the solid work so far accomplished by the Transitional Puntland Electoral Commission [TPEC].
PDRC also commends the technical and financial support which the International Community continues to provide this process, and calls on them to continue this support throughout the democratization process.
PDRC is always committed to contribute to, and advocate for, the state-building, peace and democratization process in Puntland.
All Praise is due to Allaah!

About The Author