Sawirro-Muuqaal: Rooble oo kahadlay qaabka soo xulista ergooyinka, doorka odayaasha Dhaqanka, awoodaha Guddiyada doorashada iyo wadashaqeyntooda

31 Aug 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Rooble ayaa dul istaagay qaabka soo xulista ergooyinka ,doorka dayaasha Dhaqanka, awoodaha Guddiyada doorashada iyo wadashaqeyntooda .qoondada haweenka iyo bilaabista wajiga labaad ee doorashooyinka Aqalka hoose ee todobaadyada soo socda.



Puntlandes.com

About The Author