Sawirro: Puntland iyo Galmudug oo wada bilaabaya hawlgal wada jir ah oo ka dhan Alshabaab

31 Aug 2021 (Puntlandes) Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta gobalka Mudug ee dawlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha Galmudug ee ku sugan jiida hore ayaa soo dhaweeyay Saraakiisha Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta Booliiska gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire.

Deegaanka Wisil ayaa qiyaastii 161 KM Koonfur Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo. Puntland iyo Galmudug oo uu ka dhaxeeyay heshiis amni ayaa sheegay iney bilaabayaan howlgal wada jir ah oo ka dhan Al Shabaab.


Puntlandes.com

About The Author