Alshabaab oo toogasho ku diley haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsanayd ciidamada dowlada

01 Sept 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya gobolka Hiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay fagaare ku yaala deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay shalay galab ku toogteen haweeney ay ku eedeeyeen in ay ka tirsaneed ciidanka maamul goboleedka Hirshabelle.

Dadweyne badan oo ka kala yimid xaafada deegaanka Shaw iyo saraakiil iyo askar katirsan Alshabaab ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay haweeneydan Al Shababa ku eedeeyeen in ay aheyd askari.

Qaadiga Maxkamada Alshabaab ee xukunka riday ayaa sheegay Anfac Xuseen Muxumed in ay katirsaneyd ciidamada maamulka Hirshabelle ee ku sugan xerada Lama Galay ee kutaala magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka

Alshabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday rag iyo haween ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen ciidamo iyo kuwa kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo, mana jiro ilaa ilo madax banaan oo eedeymo qaar xaqiijiya.

About The Author