ICG; “Siyaasiyiinta Soomaaliya Waxay Mar Kale Ku Ciyaaraan Dab”

15 Sept 2021 (Puntlandes) Hay’ada International Crisi Group ayaa digniin ka soo saartay xaalada siyaasadda ee ka jirta dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisa inay isku dayaan in xil ka qaadis ku sameeyaan Ra’iisul Wasaare Rooble.

Warbixin ay soo saartay hay’ada ayaa waxaa ay ugaga hadashay marxaladihii uu soo maray khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Dadka qaar ayaa ka welwelsan in madaxweynuhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado mooshinka xil ka qaadista Rooble. Tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble waxay noqon doontaa mid aad loogu murmo, marka la eego doorkiisa dhexe ee diyaarinta doorashooyinka.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Hay’adda ayaa shaki gelisay sharci ahaanshaha haddii Farmaajo uu qaado tallaabo uu golaha shacabka xilka uga qaadayo Rooble.

“Dadka qaar ayaa ku doodaya in tallaabada noocan oo kale ah ay sidoo kale noqon doonto mid sharci ahaan shaki ku jiro marka la eego in muddadii baarlamaanku ay dhammaatay December 2020. Intaa waxaa dheer, wakiilada cusub ee aqalka hoose weli lama dooran, xitaa iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la soo xulay ay kuraastooda qaateen.”

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu haatan awood u leeyahay maamulka maaliyadda dalka Soomaaliya.

“Rooble ayaa caddeeyay inuu gacanta ku hayo maaliyadda dowladda, isagoo caddeeyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan – tallaabadaas oo qasab ku ah inay ka careysiiso dhinaca Farmaajo.”

Hay’adda ayaa warbixinteeda sidoo kale ku sheegtay in loo baahan yahay in cunaqabatayn lagu soo rogo madaxda khilaafka mas’uulka ka ah, sidoo kale hay’ada ayaa waxaa ay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil.

About The Author