Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Mudug oo gaaray degmada Saaxo

Filed under: Wararka maanta |

15 Sept 2021 (Puntlandes) Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu soodhaweeyey Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug, Wafdigan waxaa qayb ka ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Maamulka Degmada Saaxo, Nabadoono iyo shacabka Deegaanka ayaa soodhaweeyey Wafdiga uu gudoomiyuhu Hogaaminayo, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo bulsada qaybaheeda kala duwan soodhawaynta ay usameeyeen.

 



Puntlandes.com